Dhageyso: Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya oo ka hadley weerarkii lagu qaaday xarunta wasaaradda Waxbarashada

0
228

Muqdisho(INO) Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay weerarkii  lagu qaaday xarunta ay magaalada Muqdisho ka dagan tahay wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka amniga gudaha xukuumada Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed oo warbaahinta shir Jaraa’id ugu qabtay xarunta wasaaradda waxbarashada ee la weeraray ayaa tafaasiil ka bixiyey weerarkii dhimashada iyo dhaawaca geystay ee koox ka tirsan al-shabaab ay ku qaadeen dhismaha  wasaaradda waxbarashada.

C/risaaq Cumar Maxamed ayaa daboolka ka qaaday iney weerarka fashiliyeen ciidanka ammaanka,wuxuuna sheegay in 10 ruux  ay dhimatay weerarka oo 8 kamid ah ay shacab ahayd halka 2da kalane ay ka tirsanaayeen ciidamada ammaanka xarunta wasaaradda la weeraray ee Waxbarashada.

C/risaaq Cumar wasiirka amniga gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey lagu dhuftay darbiga dhismaha wasaaradda, kadibne ay gudaha galeen 6 ruux oo uu sheegay iney u badnaayeen carruur da’yar,wuxuuna tilmaamay in ciidamadu ay dhammaantood dileen.

Wasiirka ayaa tacsi u diray dhammaan ehelada dadkii ku geeriyooday weerarka,wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay in Al-shabaab ay marin habaabiyaan carruurta Soomaaliyeed. C/risaaq Cumar Maxamed ayaa daboolka ka qaaday iney bixiyeen xuquuqda ciidankii nabad sugidda ee ku dhintay dagaalkii ay Al-shabaab kula galeen hotelka Makkal Al-Mukarama,wuxuuna sidoo kale ballan qaaday iney bixinayaan xuquuqda askarta maanta geeriyootay.

 Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here