Hrgeysa(INO)-Wasiirka Warfaafinta Somaliland C/llaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa ka jawaabay hadal uu dhawaan jeediyay Kusimaha Madaxweynaha Soomaaliya, ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari, kaasi oo ahaa in uusan Baasaboor u qaadaneynin Hargeysa.
“Si kooban waxaan u leenahay Jawaari sharci darro ku imaan meysid Somaliland ee waxaad ku imaaneysaa sida sharciga ah ee ay ku yimaadaan dadka ajnabiga ah ee booqda Somaliland”ayuu yiri Wasiirk Warfaafinta Somaliland Cukuse.
Halkan Ka Dhageyso Codaka Wasiir Cukuse
Halkan Ka Dhageyso Codka Jawaari
Kusimaha Madaxweynaha Soomaaliya, ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in uusan ogolaan karin in uu Baasaboor ku galo Hargeysa. “Aniga ma ogolaan karo in aan Baasaboor ku galo Hargeysa. Qofka Soomaaliga ah xor ayuu u yahay in uu u safro dalkiisa”ayuu yiri Prof. Jawaari oo ka hadlayay Xaflad xalay lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, taasi oo lagu maamuusayay Todobaadka Dhirta Soomaaliya.
Idale News Online, Hargeysa