Muqdisho(INO)-Ciidamada DF Soomaaliya ayaa baaritaano ku sameynaayo gaadiidka soo gala Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, xilli shalay ciidamada ay bilaabeen baaritaanka gaadiidka.
Maxamed Yuusuf Cismaan,Afhayeenka Wasaarada Amniga Qaranka oo la hadlay Warbaahinta, ayaa wuxuu sheegay in ciidamada dowaldda Federaalka Soomaaliya ay hubin doonaan, gaadiidka soo galaya Magaalada Muqdisho.
Wuxuu sheegay in gaadiidka Magaalada soo galaya iyo kuwa ka baxaya Magaalada intaba ciidamada ay hubin doonaan, si looga hortago ayuu yiri gaadiidka qaraxyada ah ee Shabaab ay diyaariyaan.
Sidoo kale Afhayeenka Wasaarada Amniga Qaranka, ayaa sheegay in wadayaasha gaadiidka laga qoraayo taleefoonka lanbarka iyo taariigada baabuurta si loo diiwaangeliyo.
Ugu Dambeyntii Howlgal shalay ka dhacay duleedka Muqdisho ayeey ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ku hubinaayeen gaadiidka soo gala gudaha Magaalada Muqdisho iyo kuwa ka baxa intaba.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Muqdisho.