Dhageyso Wareysi:Guuleed Oo ka Hadlay Arimo Badan Oo Ku Saabsan Shirka Gobolada Dhexe & Dhaliil Uu U Jeediyey War Murtiyeedkii Kasoo Baxay Garoowe

0
186

Cadaado(INO) Musharax C/kariin Xuseen Guuleed oo ka mid ah Siyaasiyiinta u tartamaya shirka dhismaha maamulka gobolada dhexe ee dalka ayaa ka hadlay arimo badan oo ku saabsan shirka ka socda magaalada Cadaado,kala dirista Gudiga,shirka,War Murtiyeedkii kasoo baxay madashii wadatashiga madaxda Siyaasadda Soomaaliya iyo eed isaga loo jeediyey.

guuleed

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa si cad uga horyimid War Murtiyeedkii shalay kasoo baxay magaalada Garoowe gaar ahaan qodobka quseeyey dhismaha shirka gobolada dhexe,wuxuuna sheegay in si cad oo aan ka leexleexad lahayn loo hareermaray Dastuurka dalka u yaal.

Musharaxa C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sidoo dhaliilay  go’aanka ay qaar ka mid ah Saxiixayaasha ku kala direen Gudigii Farsamada shirka gobolada dhex,wuxuuna sheegay in qof walba uu ka hadli karo dareenkiisa ku saabsan shaqada Gudiga isla markaane uu dhaliili karo,balse wuxuu meesha ka saaray in Saxeexayaashu ay kala diri karaan Gudiga Farsamada shirka gobolada dhexe.

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa dhanka kale iska fogeeyey eedaha loo jeedinayo ee tilmaamaya in dowladda Soomaaliya ay u ololeynayso sidii isaga loogu dooran lahaa madaxweynaha Maamulka gobolada dhexe,wuxuuna sheegay inuusan xiligan ka tirsaneen DF isla markaane uusan jirin cilaaqaad gaara oo kala dhexeeya madaxda dalka.

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ugu danbayntii ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed ee gobolada dhexe iney ka tashadaan aayahooda isla markaane ay la tartamaan gobolada kale ee dhigooda ah.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Cadaado

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here