Dhageyso Wareysi: Jaaliyada KGS Ee London Oo Si Adag U Cambaareysay Weerarkii Hotel Naasa Hablood Ee Muqdisho + Tacsi

0
680

Baydhabo(INO)– C/risaaq Cumar Sheegow oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo ku nool Magaalada London Ee Xarunta Dalka UK isla markaana ah Wakiilka Jaaliyadda Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee Galbeedka London ayaa si adag u cambaareeyey weerarka argagixiso ee Shaley Fiidki lagu qaaday hotelka  Hotel Naasa hablood One Ee Magaalada Muqdisho, kaasoo ay waxyeelo ka soo gaartay shacab iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliyeed, kuwaasoo u adeegayay bulshada Soomaaliyeed.

Aqoonyahan C/risaaq Cumar Sheegow  ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed  uu kaga geeriyoodey Wasiiru Dowlaha Xafiiska RW Soomaaliya Maxruum Burci Hamza isla markaana ahaa Mudane Ka Tirsan Baarlamanka Dowlada Federalka Soomaaliya, waxa uuna Alle uga rajeeyey inuu naxariistiisa janno siiyo.

Burci Maxamed Xamza ayaa ahaa xildhibaan gollaha shacabka ka tirsan tan iyo bishii Agoosto 2012 wuxuuna soo qabtay xilkaa wasiiru dawlenimada asagoo intaa ka horna wasiiru dawle ka ahaan jiray Wasaarada Arimaha Dibada, waa sanadkii 2014 ilaa bishii Oktoobar ee sanadkaa dabadeedna noqday wasiiru dawlaha Wasaarada Maaliyada ilaa bishii Disembar ee isla sanadkaa.

“Weerarkani qasaaraha ugu badan waxa ay ka soo gaareen shacab maati ah, maadaama goobta lala beegsaday ay ku yaaleen xarumo ganacsi, waxaana tacsi u dirayaa shacabka aan waxba galabsan ee lagu xasuuqay weerarkan” ayuu yiri Mudane C/risaaq Cumar Sheegow.

“Weeraradan ma hakin doonaan horumarka iyo nabadda dalka, waxa ugu baaqey hay’addaha laamaha amaanka Ee DFS inay sii laba laabaan sugida amniga iyo ka hortagga falalka gurracan ee argagixsada” ayuu mar kale yiri Mudane C/risaaq Cumar Sheegow.

Si Kastaba ha haatee, Horaantii sanadkaan ayaa sidoo kale waxaa labo xildhibaan oo kale lagu dilay weerar kale oo lagu qaaday Hotel Ambassador halkaas oo ay ku dhinteen dad tiradoodu sare ay u dhaaftay 24 kuwaasoo ay kujireen labo xildhibaan oo ka tirsanaa golaha shacabka ee dalka Soomaaliya.

Labadaas xildhibaan ayaa waxaa la kala oran jiray Maxamed Maxamuud Guure iyo Cabdullaahi Jaamac.

Ugu dambeyntii, Xarakada  Al- Shabaab  Ee Mayalka Adag ayaa labadaa weerarba sheegatay inay soo qaaday ayadoo sheegtay in sababta ay u bartilmaansanayso hoteelada ay tahay inay halkaa dagaan saraakiisha dawlada.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay