DHAGEYSO: Wafdi Balaaran Oo Gaarey Gobolka Galgaduud,

0
204

Maamulka gobolka Galgaduud ayaa faahfaahin ka bixiyay wafdi wasiiro ah oo shalay tagay degmada Dhuuso-mareeb ee gobolka Galgaduud, kuwaasi oo ka koobnaa wasiir ku xigeen arimaha dibada Mahad Maxamed Salaad iyo saraakiil ciidan.

Halkan Ka Dhageyso

Waxaa sidoo kale wafdiga qeyb ka ahaa gudoomiyaha gobolka Galgaduud ee dowlada Soomaaliya, taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo gobolkaasi kasoo jeeda.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Galgaduud C/xakiin Cabdulaahi Warsame, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wafdigaasi ujeedada ay u tageen gobolka Galgaduud ay tahay sidii loo kormeeri lahaa horumarka gobolka.

cadaado

Wuxuu sidoo kale sheegay in wafdigaasi ay u joogaan deegaanada gobolka Galgaduud sidii looga arinsan lahaa maamulka la doonayo in  loo dhisiyo gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Idale News Online, Dhuusamareeb