Waxaa saaka degen xaalada magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, kadib markii shalay qarax xoogan uu ka dhacay magaaladaasi, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad lagu qarxiyay maqaayad ku taala magaaladaasi.
Halkan Ka Dhageyso
Dadka dhintay waxaa ku jira siyaasiyiin, wariyaal iyo odayaal ku sugnaa goobta maqaayada ku sugnaa, waxaana dadka dhintay lagu sheegay inay gaarayaan 15 ruux halka dhaawaca uu marayo 20 ruux.
Gudoomiyaha gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosow, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay socdaan baaritaan maadaama laga baqayo inay sii kordhaan tirada dadka ku dhintay qaraxii ismiidaaminta ee ka dhacay magaalada Baydhabo.
Wuxuu sidoo kale sheegay in ciidamada amaanka ay sameynayaan maanta baaritaano lagu baaqi goobayo dadkii ka dambeeyay weerarka ismiidaminta ee shalay ka dhacay maqaayada ku taala magaaladaasi.
Idale News Online, Bayahabo