Waajid(INO)- Abaan duuliyaha Ciidamada KG Soomaaliya ee gobolka Bakool Gaashaanle Cabdi Maxamuud Dile ayaa ka warbixiyey Guud ahaan Amaanka Degmooyinka Gobolka Bakool Ee Koonfur Galbeed Soomaliya.
Abaan duuliyaha oo u waramayey Idaacada VOA-da ayaa sheegey in ay fureen wadooyinka isku xira, degmooyinka, waajid, Xudur, Tiyeeglow iyo Ceelbere isla markaana waxa sheegey in weli uu xiran yahay wada Xariisa Mgaaalada Baydhabo iyo DegmadaWaajid, taasoo uu timaamey in Ganacsatada aysan weli ku dhiiran inay soo mariyaan Gawaarida.
Sidoo kale Gaashanle Cabdi Maxamuud Dile, Abaanduuliyaha Ciidamada KG Soomaaliya Ee Gobolka Bakool ayaa sheegey in haantan aysan jirin Saldhig ay degan yihiin Ee Kooxda Al-shaabab Ee Gobolkaasi balse waxa uu qirey inay Meelo badan ay ka joogaan Gobolka Bakool.
Ugu dambeynt,, waxa uu timaamey ay qaadi doonaan Weerar ka dhanka Kooxda Mayalka adag Ee Soomaalida Al-shabaab.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Waajid