Baydhabo(INO)-Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed sareeyo guuto Maxamed Seekh Xasan Xaamud iyo saraakiil kale oo ka tirsan Boliiska ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, waxaana wefdiga taliyaha garoonka diyaaradaha ee Baydhabo ku soo dhaweeyay wasiiro ka tirsan Dowladda Koonfur galbeed Soomaaliya iyo saraakiisha ciidanka Boliiska ee gobolka Bay.
Taliyaha ayaa waxaa uu kormeerey qaar kamid ah saldhigyada ciidanka Boliiska ee magaakada Baydhabo sida saldhiga Boliiska ee degmada iyo kan gobolka, isagoo kulamo la qaatay saraakiisha Boliiska AMISOM ee halkaasi jooga.
Sareeyo guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya ayaa waxaa goobaha uu koreerey waxaa kamid ah saldhiga beri kaas oo dhowaan dib u dayactir ku sameysay dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, waxaana uu kulan la yeeshay saraakiisha Boliiska ee gobolka Bay iyo xubno ka tirsan Dowladda Koonfur galbeed Soomaaliya.
Waa markii ugu horeysay taliyaha Boliiska Soomaaliya uu booqasho key tago magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay tan iyo markii loo magacaabay xilkan, waxaana arintan ay qeyb ka tahay dardargelinta howlaha lagu horumarinaayo guud ahaan ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Baydhabo