Dhageyso: Suuqa Bakaaraha Oo Waddooyinkeeda Laami Laga Dhigayo

0
185

Muqdiso(INO)-Muddo Sanado badan ah kadib waxa maanta si rasmi ah loo bilaabayaa dhisida Waddooyinka gala Suuqa ugu weyn ee Bakaaraha oo Laami la saarayo waxaana arintaasi kol hore ku dhawaaqay Madaxweynaha Dalka Xasan Shiikh Maxamuud.

Shalay Axadii ayaa waxa Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Janeral Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa dhagax dhigay Wadada dhexmarta Suuqa Bakaaraha in la dhisayo.

Gudoomiyaha Maamulka Degmada Howlwadaag Axmed Nuur Siyaad ayaa sheegay inay ku dadaalayaan sidii loo qurxin lahaa waddooyinka gala iyo kuwa ka baxa Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.Waxa uu sheegay Axmed Nuur inay usheegayaan Ganacsatada Suuqa Bakaaraha inay guuleysteen.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Muqdisho.