Dhageyso: Suldaanka Daarood oo Maseyr ku tilmaamey Go’aankii Beelweynta Digil & Mirifle ku gaareen Shirkii Wadatashiga Ee Maamulka Koonfur Galbeed Somalia

0
218

Suldaanka Beesha Daarood Haybe Cumar oo sheegta inuu yahay gudoomiyaha dhaqanka Soomaaliyeed oo la hadlaayay mid ka mid ah warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Prof Max’ed Cismaan Jawaari ku eedeeyey inuu qaatey go’aan kaligiis ku ah oo madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud la qabain isla markaasna  Gudoomiyuhu la saftey beelaha Digil & Mirifle.

Suldaanka oo ku hadlaayey afka beesha Daarood ayaa ku hadaaqey hadal aan loo meel dayin oo meel ka dhac ku ah gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya iyo guud ahaan beelaah Digil iyo Mirifle kaasoo ay kaga arrinsanayeen aayaha dadkooda iyo deegaanadooda. Suldaanka ayaa dadka gudaha ku barakacey ku tilmaamey iyo guud ahaan beelaha Digil & Mirifle iney yihiin dad dowlad ku nool, isla markaana ku tilmaamey “deyr la waayey iyo dad dowladdu masaasad wax ku siiso” waxuu kaloo intaasi sii raaciyey iney aysan macno suubineynin inay yiraahdaan dowlada waa ka baxeynaa iyo wax la mid ah.

Dhageyso Wareysiga Suldaanka Darood [audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2013/09/Suldaan_Daarood.mp3]

haybe

Haybe Cumar ayaa go’aankii madasha shirka wadatashiga Baydhaba ee sida wadajirka u qaateen waxgaradka, odayaasha dhaqanka, xildhibaanada DM, haweenka iyo dhamaan qeybaha kale ee beelaha Digil & Mirifle ku tilmaamey in uu yahay mid qaldan iyo Maseer si deg deg ahna ay tahay in ay uga noqdaan.

Hadalkaan ka soo yeeray Suldaanka Beesha Daarood ayaa ku soo aadaaya ka dib markii beelaha Digil & Mirifle si mideysan ugu dhawaaqeen dhismaha  maamul goboleed ka kooban 6 gobol oo bulshoweynta Digil & Mirifle u badan yihiin oo kala ah (Jubbada Hoose, Jubada Dhexe, Bay, Bakool iyo Gedo iyo Shabeelaha Hoose) iyagoo sidoo kalena ugu baaqey isla markaasna ku casumay beelaha kale ee Soomaaliyeed oo deegaan wadaagta la ah ka qeyb ahaanshaha  dhismaha maamulka Koonfur Galbeed Somalia oo gogoshiisu ay taalo magaalada xarunta u ah gobolka Bay magaaladiisa Baydhabo.

Idale News Online