Dhageyso: Shir Jaraa’id Oo qabtay wasiirka Amnigu Gudaha

0
241

Muqdisho(INO)-Wasiirka amniga qaranka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane C/risaaq Cumar Maxamed ayaa markii uu soo idlaaday kulankii aan caadiga ahayn ee ay magaalada Muqdisho ku yeesheen madaxda ugu saraysa dalka waxa uu qabtay shir jaraa’id oo uu ku faahfaahiyey shirka iyo go’aamadii laga soo saaray.

Crisaaq-Cumar-Maxamed

C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay sida ugu adag u cambaareynayso weerarka lagu qaaday hotelka Central,wasiirka ayaa ku dhawaaqay gudiyo la magacaabay kuwaasoo dabagal ku samaynaya sida uu u dhacay weerarku iyo dadkii soo abaablay.

Wuxuuna sidoo kale ka hadlay dad ay usoo qabteen weerarka oo ay ka mid yihiin masuuliyiintii iyo waardiyihii Hotelka weerarku ka dhacay,isagoona sheegay in hay’adaha amniga la faray iney sida ugu dhaqsaha badan usoo qabtaan dadkii falka ka danbeeyey.

Halkan Ka Dhageyso.

Wuxuuna sidoo kale ka hadlay qasaaraha guud ee weerarka ka dhashay dhimashada ayuu sheegay iney cagacageynayso 25 ruux 40 kale ayuu sheegay iney ku dhaawacmeen.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here