Dhageyso: Sheekh Aadan Madoobe oo ka hadley shir jaraa’ird oo beelaha Digil & Mirifle ku diideen heshiiskii Addis Ababa

0
177

Xidlhibaanada beelaha Digil iyo Mirifle oo shir jaraa’id ku qabtey hotel kuwait ee magaalada Muqdisho ayaa go’aan cad ka soo saareen heshiiska dowlada iyo maamulka Jubba kaasoo ay ku sheegeen in heshiiskaasi yahay mid Dastuurka iyo Hindisihii Maamul U sameynta goboladda iyo degmooyinka dalka hareer marsan, sidaasi darteedna aysan marnaba ogolaan doonin heshiis sharci daro ah oo weliba ka soo horjeeda gobolada iyo deegaanada DM.

Gabagabdii kulankii maanta ka dib ayaa waxaa shir jaraa’id oo ay qabteen xildhibaanada Digil iyo Mirifle u hadley Sheekh Aadan Madoobe, gudoomiyihii hore ee barlamaanka Soomaaliya oo sheegay in aysan marnaba ogolaaneynin heshiiska iyo waxii ka soo baxay oo ay diyaar u yihiin inay Baydhabo tagaan iyadoo si degdegna u soo dhisi  doona maamul goboleed.

Dhageyso wareysiga sheekh Aadan Maxamed Nuur “Adan Madoobe”

AadanMadoobe

[audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2013/09/AdanMadoobe.mp3]

Idale News Online