Dhageyso: Shariif Xasan Oo lagu Eedayey in Uu Dayacay Koofur Galbeed Somalia

0
195

Muqdisho ( INO)-Iyadoo maalmihii dambe ay jireen dhaliilo loo jeedinayay Madaxwaynaha  Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo la xariiray in uu ka gaabiyay ka shaqaynta howlaha maamulka koonfur galbeed, ayaa qaar kamid ah Siyaasiinta ku abtirsada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa ay sheegayaan in Madaxwayne Shariif Xasan uu noqday shaqsi dayacay howlihii Maamulkaas.

Abukaate Axmed Cadow oo kamid Siyaasiinta Soomaaliyeed kana soo jeedo Degaanada Koonfur Galbeed ayaa tibaaxay in wax garadka siyaasiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ay ka tashanayaan sidii maamulka Koofur Galbeed loo hormarin lahaa.

Sidoo kale Abukaate Axmed ayaa ku dhaliilay madaxwayne Shariif Xasan in uu dayacay howlihii maamulka Koofur Galbeed isaga oo ku milmay howlaha doorasho ee dalka iminka soconaya.

Dhinaca kale Abukaate Axmed Cadow ayaa tibaaxay in qaybaha kala duwan ee bulshada ku abtirsata koonfur galbeed looga baahan yahay in ay ka wada qayb qaataan hormarinta Koofur Galbeed.

Ugu Dambneyntii, Hadalka Abukaate Axmed Cadoow ayaa qayb ka ah hadalo maalimhii danbe ay jeedinayeen qaybaha kala duwan ee bulshada Koofur Galbeed oo la xariira in Madaxweyne Shariif Xasan  uusan xil iska saarin sidii uu ugu shaqayn lahaa shacabka Koofur Galbeed, iyadoo si aad ahna loogu dhaliilay in uu xalin waayay dagaalada ku soo noq-noqda Gobolka Shabeelah Hoose.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Muqdisho