DHAGEYSO: Shacabka Gobolka Galgaduud oo fariin loo jeediyay + Xiisado Colaad Oo Taagan Guraceel

0
224

Muqdisho(INO)-C/llaahi Salaad Yaroow oo la hadlay Idaacada Risaala kana mid ah Siyaasiyinta ka so jeeda Gobolada dhexe ee Dalka ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalaaya degmooyin ka tirsan Gobolka galgaduud,isla markaana wax welibo lagu dhameeyo wada hadal.

balanbal

Siyaasi C/llaahi ayaa sidoo kale sheegay in Shacabka Gobolada dhexe loogu baahan yahay in ay ka qeyb qaataan dhismaha Maamulka loo sameynayo gobolada dhexe ee Dalka.

Siyaasiga ayaa sheegay in shacabka gobolada dhexe looga baahan yahay inay ka fakaraan aayaha gobolkaasi iyo maamulka la doonayo in dhawaan loo sameeyo gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso Codka Cabdilaahi salaad

Maalmihi la so dhaafay ayaa degmooyin ka tirsan Gobolka Galgaduud waxa ka dhacay dagaalo ka dhashay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxana Madaxda dowlada gaar ahaan Wasaarada arrimaha gudaha iyo Federaalka ay ku baaqday in la joojiyo xisaadaha colaadeed ee ka jira gobolada dhexe ee Dalka.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here