Dhageyso: RW oo sabab u yeelay soo noqoshada qaar kamid ah Wasiiradii hore

0
228

Muqdisho(INO)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo ka hadlaayay magacaabista Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya, ayaa sheegay in Wasiiro dhowr ah oo Xukuumadii hore kamid ahaa uusoo celiyay, iminkana ay hayaan qaarkood Wasaaradihii ay maamuli jireen.

Cumar-Cabdirashiid-Cali-Sharmaarke

Cumar C/Rashid ayaa ku macneeyay sababta uu usoo celiyay Wasiiradaasi inaysan hakad gelin shaqada Dowladda, islamarkaana Wasiiradaasi ay yihiin ku fahansan shaqada.

Halkan Ka Dhageyso.

 

Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid waxa uu sidoo kale sheegay inuu jiri doono la xisaabtan ku aadan Golaha cusub ee Xukuumadda Soomaaliya si loo fuliyo shaqooyinka qaranka loo haayo.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa rajo ka muujiyay in Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ay meel mariyaan Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake.

Xukuumadaan cusub ayaa lagu dhawaaqay xalay labadii habeenimo, iyadoo lawada xusuusto Xukuumadaan Xukuumadii ka horeysay in iyana lagu dhawaaqay Habeen madoow saacadana ay aheyd 2:00 habeenimo.

Wasiiradaan cusub ayaa waxaa ka dhexmuuqda Wasiiro badan oo ka tirsanaa Xukuumadii hore oo qaarkood siyaasada dalka ku fashilmay.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here