Muqdisho(INIO)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu u baahan yahay isbeddel dhinaca hoggaanka ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka mid ah musharrixiinta u tartmaysa xilka madaxweynaha, waxaana uu hadalkan ka sheegay magaalada Kismaayo kadib markii uu la kulmay xubnaha labada Aqal ee dhowaan laga soo doortay maamul Goboleedka Jubbaland.
Ra’iisul Wasaaraha waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la eego hoggaanka sare ee dalka iyo sida uu u shaqeeyo, islamarkaana is-beddel lagu sameeyo.
Cumar Cabdirashiid ayaa sidoo kale sheegay hadii noqdo Madaxweynaha Soomaaliya , in uu wax badan ka qaban doono Afarta sano ee soo socota.
Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in qorshihiisa ay ka mid tahay in uu shaqo abuur u sameeyo dhalinyarada Soomaaliyeed.