Muqdisho(INO)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke ayaa maanta waxaa horgeeyey golaha Shacabka Madaxweynaha Jamahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, si ay u siiyaan codka kalsoonida kadib markii uu Madaxweynuhu magacaabay 17-kii bishan.
Ra’iisul Wasaare Sharma’arke ayaa Barlamaanka ka hor akhriyey khudbad ka hadlaysa waxyaalaha u qorshaysan xukuumadiisa, iyo qaab ka ay noqonayso xukuumada cusub oo soo dhiso doono.
Halkan Ka Dhageyso Codka RW CCC Sharmake.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay inuu ahmiyada kowaad siinayo arrimaha nabad galyada, iyo in dalka Soomaaliya uu gaaro isku filaansho dhanka amniga ah, taas oo loo marayo dhisida ciidan qaran oo tayo leh.
Idale News Online, Muqdisho.