Dhageyso Radio INO: Maamulka Iyo Odayaasha Degmada Qansaxdheere Oo Go’aan Gaarey

0
230

Qansaxdhere(INO)– Maamulka iyo Odayaasha degmada Qansax dheere ee gobalka Bay ayaa ka wada hadlay arrimaha la xariira sidii loo furi lahaa wadooyinka xiran ee degmadaas ay lawadaagto dhamaanba gobalada dalka Soomaaliya.

Odayaasha iyo Maamulka ayaa soo jeediyey in laga shaqeeyo sidii talaabo rasmi ah looga qaadi lahaa cid kasta oo nabadgalyada magaalada dhibaysa, isla markaasna loo diyaarin lahaa ciidamadii magaalada ka qaadi lahaa go’odoominta magaalada.

Qansax-Dheere waxaa gacanta ku haya dawladda Soomaaliya, laakiin Xarakada Shabaab ayaa meelo badan magaalada ka jartay wadooyinka soo gali jiray, iyadoo xaaladu ay hada adag tahay.

Gudoomiyaha degmada Qansax-Dheere ayaa sheegay in ay si deg deg ah wax uga qaban doonaan arrimahan, isla markaasna ay diyaarinayaan ciidamo ka hortaga sidii loo furi lahaa jidadka xiran ee magaalada.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Qansaxdheere

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here