Dhageyso Radio Idale:Gen. Qaafow oo soo dhaweeyey xilka qaadista lagu sameeyey

0
352

Muqdisho(INO) Gen. Maxamed Maxamud Xasan Qaafow oo wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan SH Maxamuud looga qaaday xilkii uu ka hayey ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa ka hadlay xil ka qaadista lagu sameeyey.

Gen. Maxamed Maxamuud Xasan Qaafow ayaa soo dhaweeyey xil ka qaadista lagu sameeyey wuxuuna sheegay in arintaasi goor hore lagu wargaliyey uuna xilka wareejinayo isaga oo ku faraxsan sida uu hadalka u yiri.

Taliyihii hore ee qayta 12-ka April ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Gen. Qaafow ayaa sheegay inuu shaqo wanaagsan soo qabtay mudadii uu xilkaa hayey,Qaafow ayaa ka dhawaajiyey inuu ka mid ahaa saraakiishii kaalinta weyn ka ciyaaray dib u dhiska ciidanka xoogga.

Gen. Maxamed Maxamuud Qaafow ayaa sidoo kale xusay inuu hogaaminayey ciidankii dowladda Soomaaliya ee xoreeyey gobolada Banaadir SH/dhexe iyo SH/hoose,wuxuuna ka dhawaajiyey inuu sidoo kale horkacayey ololihii magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya iyo gobolada Shabeelooyinka looga qaaday Isbaarooyinka yaallay.

Gen. Maxamed Maxamuud Xasan Qaafow ayaa dhanka kale tilmaamay iney jiraan dhibaatooyin iyo marxalado adag oo lasoo gudboonaaday intii uu ahaa taliyaha qaybta 12 -ka April ee ciidanka xoogga dalk,wuxuuna carrabka ku adkeeyey in caqabadaha uu la kulmay ay yihiin kuwa sugaya cid walba oo xil qaran haysa.

Gen. Qaafow ayaa baaq u diray saraakiisha ciidanka xoogga dalka oo uu ka dalbaday iney dalka isku furaan kalsoonida shacabku ku qabay dowladda Soomaaliyane ay soon celiyaan.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here