[audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2014/07/diidmoHawiye.mp3|autostary=yes]
Qaar kamid ah Xildhibaanada Beelaha Hawiye oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay inaysan marnaba aqbali karin Gudigii Dowladda Federaalka ah ay magacowday, ee dhismaha maamulka South West Somalia ee xaruntiisu noqoneyso Baydhabo.
Xildhibaanadda Beelaha Hawiye ka tirsan ayaa sheegay in Maamulka Lixda gobal iyo Sadexda Gobal marnaba aysan raali ka noqonayn in dhul uu Maamulo shabeele State aysan Maamulayn.
Ishaysadka beelaha Soomaaliyeed ee lixda gobol ee ugu deeqtoon dalka ayaa u muuqato nin gaarey heerkiisii ugu dambeeyey waxaana la yaaab leh in beelaha digil iyo Mirifle ee dhulka intiisa badan degan ay xildhibaanadooda afka xirteen gaar ahaan xildhibaanadii dowlada ugu jiray beelahaasi.
Gudoomiyaha Barlamaanka Somalia Jawaari oo shirqoolka lagu qeybinaayo deegaanada DM safka hore ugu jira ahaa odayaashii dhaqanka ee mudada ku sugnaa ka yaabisey go’aankii uu kaga soo horjeestay jiritaanka maamulkii uu isagu la qaatey mar ugu tagey xarunta maamulka lixda gobol ee Baydhabo.
Idale News Online