Muqdisho(INO)- Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay dhammaan Bulshada kunool degaanada maamulka Puntland in ay ka qeyb qaataan soo dhaweynta iyo sidoo kale u gargaarida dadka ay saameeyeen Abaaraha.
Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in ay jiraan dad aad u farabadan oo kasoo barakacay degaano ku yaalla Koonfurt , Bartamaha Soomaaliya iyo dalka Itoobiya , kuwaa soo soo gaaray degaanada maamulka Puntland.
Gaas ayaa u sheegay shacab Puntland in ay muujiyaan Naxariis ,islamarkaana ay soo dhaweeyaan dadkaasi Soomaaliyeed ee kusoo barakacay.
Hoggaanka Sare ee Puntland ayaa sidoo kale xusay in ay laba jibaari doonaan gargaarka la gaarsiinayo dadkaasi.
Degaano dhowr ah oo ku yaalla gobolka Bari ayaa waxaa gaaray dad badan oo kasoo baxay waqooyi iyo sidoo kale qeybo ka mid ah dalka Itoobiya , waxaana dadkaasi haysta dhibaatooyin kala duwan.