Dhageyso: Puntland “Ma aqbaleyno in doorasho ay dhacdo ayadoo aanay buuxsamin xildhibaanada”

0
186

Garoowe (INO) – Puntland ayaa ku tilmaamtay sharci darro go’aankii guddiga doorashadda Dadban ee federaalku ay ku dhawaaqeen in buuxsamay kooramkii xubnaha loo doortay aqalka hoose ee Barlamaanka federaalku , islamarkaana xildhibaanada la doortay ay si deg-deg ah u yimaadaan muqdisho oo ay qaataan shahaadooyinkooda xildhibaanimo.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah ugu qabteen caasimadda Garoowe, Madaxweyne k/xigeenka dowlada Puntland Cabdixakiim Xaaji Cabdullaahi iyo Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland Axmed Cali xaashi, ayay ku eedeeyeen guddiga doorashada Federaalka inay ku xadgudbeen go’aamadii ay madasha Qaranku ku heshiiyeen. Waxay kaloo ka hadleen doorashadda aqalka sare ee xubnaha goboladda waqooyi.

Madaxweyne k/xigeenka Puntland wuxuu sheegay in doorashada Guddoonka barlamaanka iyo madaxweynuhu ay xalaal iyo sharci noqon karta oo kaliya marka ay soo dhamaystirmaan Xildhibaanadda Labada aqal oo ay doorashadoodu weli ka socoto Soomaaliya

“Wax xalaal noqon kara ma jiro ilaa labada aqal ay soo dhamaystirmaan, waxaad moodaa in doorashada loo dedajiyo siyaasad shaqsiyaad gaar ah leeyihiin oo kooram laga hadlayo, kooram waxaa la raadiyaa barlamaan la dhaariyay oo shaqadiiso socoto” ayuu yiri, wuxuuna sii raaciyay

“Waxaa nasiib darro ah in rag jooga (xildhibaano) ay dowladda wacayso oo ay leedahay muqdisho kaalaya waa la idiin dhaarinayaa, xagee u dhaarinaysaa doorashadii ayaa socotee, waxaanu leenahay ha la joojiyo mindiraaciska iyo dedejinta” ayuu yiri Madaxweyne k/xigeenka Puntland.

Dhinaca kale, Madaxweyne kuxigeenka Puntland wuxuu kaloo uu shirka jaraa’id kaga hadlay doorashadad xubnaha aqalka sare ee goboladda waqooyi, waxaana uu sheegay inaysan sharci ahayn oo ay carqalad galin karo doorashadda ka socota Dalka

“Warqadii lixaad oo aan sharci ahayn ayuu qoray Jawaari, hal qof inuu ku tasarufo awood madashu leedahay waxaanu u aragnaa inay tahay majaro habaabin iyo Carqaladayn, Kuraasta la isku hayo habraac ayay lahaayeen, Xeer iyo heshiis ay Madasha qaranku ku heshiisay, wixii ka duwan marna sharci noqon maayaan” ayuu yiri Madaxweyne K/xigeenka.

Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa dhiniciisa sheegay inaysan marna ogolaan doonin in la baalmaro heshiiskii madasha qaran ee qaybsiga xubnaha aqalka sare ee goboladda waqooyi ee saddexda xubnood loo asteeyay beelaha dega Sool, Sanaag iyo Cayn

Ugu dambeyntii, Gabagabadii, Madaxweyne k/xigeenka iyo guddoomiyaha Barlamaanku waxay ugu baaqeen Madaxda dowladda federaalka iyo Beesha caalamka in la joojiyo fadhiga Barlamaanka cusub inta ay soo dhammaanayso doorashada xubnaha dhiman ee aqalka hoose ,islamarkaana dib loo soo celiyo xubnihii aqalka sare ee goboladda Sool iyo Sanaag ee la siiyay goboladda Waqooyi ee Soomaaliland.