Dhageyso: Odayaasha iyo Waxgaradka Degmada Waajid Oo Ka Soo Horjeestey Gudoomiyaha Degmada Waajid

0
239

Baydhabo(INO)- Odayaal, Waxgaradka  iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlada KG Soomaaliya oo ka soojeedaan Degmada waajid Ee Gobolka Bakool ayaa diidey Gudoomiyaha Mudadiisa Dheeratey Ee Degmada Waajid Mr. C/laahi Yariisow.

Odayaasha Dhaqanka Degmada Waajid

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga uu Qaadey Wariye Bishaar Xasan

Mad Xasanow Cabdi Isaaq oo ka mid ah Waxgaradka Degmada Waajid ayaa u sheegey Warbaahinta Idalenews.com in Mar kale lagu wado in  Gudoomiye C/laahi Yariisow loo soo Magacaaowo Degmada waajid, isagoona arintaasi ku Eedeyey inay ku lug leeyaheen Wasiirka Caafimaadka Dowlada KG Soomaaliya Isaaq Cali Subug iyo  Malaaq Macalin  Barre oo ka mid ah Gollaha Guurtada Ee u Diiwan Gashan Dowlad Goboleedka KG Soomaaliy.

Mad Xasanow Cabdi Isaaq ayaa Ku Eedeyey Gudoomiyaha Degmada Waajid in Dhibaato badan uu ka Geystey Gudaha Degmadaas, isagoona xusey inuu ka soo horjeedo Horumarka iyo Xasiloonida Degmada.

Sidoo kale waxa uu sheegey in Sanadkii  2014  Gudoomiye  C/laahi Yariisow u diidey diyaarad Daawo u wadey Degmada, taasoo ugu dambeyntii, Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Bakool iyo taliyaha qiibta 60aad Ee DFS ay ku Guleysteen inay dib u keenaan Daawadaasi.

isagoo hadalkii siito ayaa tilmaamey in Cabashadooda ay u gudbiyeen Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Bakool, waxa kale uu Hoosta ka xariiqey in Maamulka uu arkey Tacadiyo badan uu geystey Gudoomiyaha Degmada Waajid , ka dib markii dhawaan ay booqadeen Degmada ayna arkeen tiro maxaabiis ah oo Xaqdaro ku Xirana.

Ugu dambeyntii, waxgaradka iyo odayaasha waxa kale ay tilmaameen in degmada waajid ay go’doonsan  tahay ayna haboon tahay in la furo wadooyin soo gala Degmadaas, iyagoona ka Codsadey Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya inay ka horbirto Shacabka Maamulka Hada ka jira Degamada Waajid Ee Gobolka Bakool.

Wariye Bishaar Xasan,  Warbaahinta

Idale News Online, Baydhabo

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here