Dhageyso: Odayaasha Dhaqanka Ee Degmada Baydhabo Oo Ku Baaqey In Laga Qiib Qaato Afurinta Dadka Masaakiinta

0
210

Baydhabo(INO)-Odayaasha  dhaqanka Ee Degmada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, ayaa ugu baaqeen dad weynaha Baydhabo Ee wax haysta  inay waxtaraan dadka aan aboodin ama aysan heli karin Afurka.

kaskey

Malaaq Xuseen Kaskay, oo ka mid ah Waxgaraddka Ee  Gobolka Bay, ayaa u sheegey Warbaahinta, inuu wado Dadaalo ku aadan arintaaasi isla maarkaana hadda uu  aruuriynaayo  dhaqaalle lagu afurinaayo dadkaasi.

Baydhabo ayaa waxa ka jira Goobo iyo Gudiyo kala gedisan oo dadka afuriya, sida gudiga dadka Afuriya isla markaana Caawiya ee ka jira Masjidka Weyn Ee Jaamac Baydhabo isla markaana waxa uu sheegey in gudigiisu aysan khilaafsaneyn kuwo kale.

” Waxaan aragney baahiyo badan, Baahida dad weynaha ma dabooli karaan hal gudi iyo labo gudi, sadaqaduna waxay ku roontahy badnaanta, shaley fiidnimo ayaa fikirkaan igu soo dhacey, ma dhaafeyno arintan dhaqan galinteeda” ayuu  yiri Malaaq  Xuseen Kaskey.

Malaaqa ayaa rajo wanaagsan ka muujiey, in dad weynaha Degmada Baydhabo ay ka qiib qaadan doonaan Barnaamijka Afurinta  ee uu wado.

Afurinta dadka Masaakiinta ayaa Odayaasha Dhaqanka Ee Degmada Baydhabo Ee Gobolka Bay ay ciwaan uga dhigeen”Ku Afuri Walaalkaaga Muslimka ah Maalintii 1 ama 2 Dollar”.

Si kastaba ha ahaatee, Dhammaan Muslimiinta jecel in ay la baxaan hantida Alle siiyey bisha barakaysan ee Ramadan iyo dhammaan dadka jecel in ay afuriyaan walaalahooda muslinka ah ee Sooman , Waxay Odayaasha Dhaqanka Ee Degmada Baydhabo  la socodsiinayaan in Gudiga uu Hor kacaayo Malaaq Xuseen Kaskey ay qorsheeyeen  in ay uruuriyaan lacagaha iyo raashinka ay bixinayaan walaalaha jecel inay ka qayb qaataan afurinta walaalahooda muslimka ah ee soomman bisha Ramadan ee barakaysan.

Ugu dambeyntii, Degmada Baydhabo ayaa waxa ku nool baqolaal qoysas oo barakacyaal ah, kuwaasoo aysan aboodin Maalintii inay heleen Wax ka yar Hal Dollar($0.5).

Kala  Xariir Tell NO. +252615503964 Gudoomiyaha Gudiga Afurinta Ee Odayaasha Dhaqanka Ee Baydhabo Malaaq Xuseen Kaskaey

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here