Dhageyso: Nuxurka Heshiiska DFS iyo Maamulka Jubba ku gaareen Addis Ababa

0
192

Waxaa Magaalada Adis Ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya  lagu Soo gaba gabeeyay wadahadalo Muddo ka badan Hal isbuuc halkaas Uga Socday  Xubno Kala matalayay Dowlada Somalia Iyo Maamulka Kismaayo ka arimiya kuwaas Oo Maal Mihii dambe Isku Mari la’aa Maamulka Degamada Iyo Air Port-ka Kismaayo.

heshis-adisababa_11

addisJubaAdmin

[audio:http://realaudio.rferl.org/voa/SO/2013/08/28/f9d4911c-7b01-46b9-bfde-c0967267f1ae.mp3]

Hadabada war Murtiyeed laga Soo saaray kadib gaba gabadii Kulanka ayaa  nuxurkiisa U qornaa Sidatan:-

1-In maamulkaas uu ka arrimin doono gobalada Jubbooyinka iyo Gedo muddo aan ka badnayn Labo sanno ah.

2-In magaca maamulka uu yahay Maamulka KMG ah ee Jubba

3-In Seddaxda gobal loo sameeyo guddoomiyaal kuwaasoo hos imaanaya Axmed Madoobe.

4-In maamulka dekedda Kismaayo muddo lix bilood uu maamulo maamulka Axmed Madoobe kaddibna dowladda lagu soo wareejiyo.

5- In nabad-galyada laga shaqeeyo.

6-In la qalabeeyo maleeshiyaadka gobalka jooga laguna daro ciidamada dowladda.

7-In la qabto shir dib u heshiisiin loo dhan yahay oo looga hadlaayo mustaqbalka Jubbooyinka iyo Gedo kaasoo ka kala dhacay Kismaayo iyo Muqdisho.

8-In Axmed Madoobe uu soo  dhammeestiro maamulka kumeel gaarka, lana dhiso golaha baarlamanka iyo fulinta

9-In Garoonka Kismaayo muddo bil ah uu maamulo maamulka KMG ah ee Jubba, kadibna lagu wareejiyo dowladda.

10-In maamulka Axmed Axmed Madoobe uu u aqoonsado dowladda fedaraalka Soomaaliya lana shaqeey.

11-Inta laga dhaqan galinayo xeerka dhismaha maamulka DFS, gudoomiyaasha Jubada dhexe iyo Jubada Hoose waxaa soo magacaabaya hogaamiyaha maamulka KMG ee Juba isagoo la tashanaya odoyaasha dhaqanka iyo DFS islamar ahaantaana tixraacaya isu dheelitirka beelaha halka maamulka goobalka  Gedo kajira sidiisa ayuu sii ahaanayaa.