Baydhabo(INO)- Waxaa Maanta Xildhibaanada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Khudbado ayka dhageysteen Musharaxiinta u tartameysa Xilka Jagaga Gudoomiyaha Baarlamanka KG Soomaaliya iyo labadiisa Ku Xigeen.
Hoolka Maanta Waxaa fadhiyey Gudiga Doorashooyinka Baarlamanka oo horkacaayo, Gudoomiyaha Gudigaasi Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Dhirta ahna Mudane Ka tirsan Baaralamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Urur Goboleedka IGAD, Xafiiska Siyaasadda QM Ee Soomaaliya Ee UNSOM.
Musharaxiinta ayaa Maanta Waxay ku soo bandhigeen Khudbahooda, Taariikh nooladeedkooda, waxyaabaha ay u qaban doonaan Shacabka Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Sida ay u hagaamin lahaayeen Baarlamanka KGS, iyadoona labada Musharax ee U Tartameyso Gudoonka Baarlamka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay Ka Soojeedaan Gobolka Shabellaha Hoose isla markaana waxay kala yihiin Xildhibaan Cali Xasan Cismaan iyo Weliba Xildhibaan C/qaadir Shariif Sheekuna Maye ahna Wasiir ka tirsan KGS.
Waxa sidoo kale, Ku Xigeenada u tartameya Musharaxiinta kala ah Xildhibaan Maxamed Nuur iyo Aadan Buulle oo ay soojeedaan Gobolka Bay.
Ugu dambeyntii, Maalinta berito ayaa waxa la filayaa in la qabto Doorashadda Guud Ee Gudoomiyaha iyo Ku Xigeenadiis isla markaana waxa sidaasi ku dhameystirmeya Dhismaha Baarlamanka Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya oomudo lagu hawlanaa.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Baydhabo