Muqdisho ( INO)-Axmed Maxamed Bare Macalin Barre Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya oo la hadalay Warbaahinta ayaa ka hor yimid Musharaxnimada Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kol hore ku dhawaaqay in uu u taagan yahay Qabashada Xilka Madaxtanimo ee Soomaaliya.
Wasiirka ayaa Sheegay in Shariif Xasan Sheekh Aaden uu Soo dayacay Shacabka Ku hoos nool Koonfur Galbeed Soomaaliya islamarkaana Xiligaan Shariif Xasan aan lagu aamini Karin Masiirka Ummaada Soomaaliyeed Wuxuuna intaas ku daray in Xildhibaanada Koonfur Galbeed in aysan raali ka aheyn Musharaxnimada Shariif Xasan.
Isagoona Carabka dhufyay In Shariif Xasan suusan Qaadi Karin Masuuliyada Ummada Soomaaliyeed.
Axmed Maxamed Macalin Bare oo hadalkiisa Sii Wata ayaa ku eedeeyey Madaxweyanaha Koonfur Galbeed in hal Maalin uusan ka hadlin Colaada dabadheeraatay ee Gobolka Shabeelaha Hoose isagoona hoosta ka xariiqay in Deegaanada Koonfur Galbeed ay ka jirto Abaaro Baahsan islamarkaana Dad Shacab ah ay u dhinteen Abaarahaasi Mas”uuliyadaasiana uu soo dayacay.
Wasiiraka ayaa Shaaca ka qaaday in Lacag gaareysa 3 Million oo dollarka Mareykanaka ah Shariif uu ka soo qaatay Madaxda Imaaraadaka Carabta kuna soo qaatay Magaca Shacabka Koonfur Galbeed lagacagtaasina uu leexsaday qeyb ka mid ahna uu isku sharxay sida uu hadalka u dhigay.
Si Kastaba Shariif Xasan ayaa loo arkaa Shaqsi Siyaasadiisu ay tahay mid isbedel waxaaana Siyaasintu ay sheegayaan in Shariif Xasan uu ka mid yahay Musharaxiinta Maqaar saarka ah ee Markii Codad yar ay helaan Shaqsi kale ka iibsanaya.
Ugu danbeyntii Macalin Barre ayaa ku hanjabay in Mooshin Deg Deg ah ay ka Diyaarinayaan Shariif Xasan isagoona Ku Hanjabay in Xilka ay ka qaadi doonaan.
Halkan Ka Dhageyso Codka Wasiirka
Idale News Online, Muqdisho