Dhageyso: Malaaq Deerow oo sheegay in shirka Hotel Bakiin ka socda ay maalgalinayaan Xildh Shariif Xasan & Madaxweyne Xasan Sheekh

0
197

[audio:http://www.ishabaydhaba.com/wp-content/uploads/2014/02/malaaq-deerow.mp3|autostart=yes]
Malaaq Deeroow oo ka mid ah malaaqyada beelaha ka shiraayo maamul loo sameeyo lix gobol ayaa ka hadley arrimo badan oo isugu jira xaalada shirka ka socda xarunta ADC ee degmada Baydhabo iyo waqtiga la rajeynaayo in shirkaasi la soo afjaro.

Malaaqa ayaa sidoo kale ka hadley shir laga dhinac furay oo ka dhan ah maamulkooda oo qaar ka mid ah siyaasiyiinta gobolada Shabeelaha Hoose, Bay iyo Bakool u fadhiyaan hoteelka Baniin ee magaalada Baydhabo kaasoo la sheegay in looga arrinsanayo maamul ka kooban 3 gobol. Malaaq Deerow ayaa sheegay in shirkaasi ay garwadeen ka yihiin dhinacyo gacan saar la leh dowlada federaalka Soomaaliya gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Bay oo uu horboodaayo gudoomiyihii hore ee barlamaanka DKMG, haatanse ah xildhibaan ka tirsan barlamaanka Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxuuna madaxdaasi ku eedeeyey in foodeynta shirka ADC ku lug leeyihiin isla markaasina ay dano gaar ah ka leeyihiin dhismaha maamul ka kooban seddex gobol.

Inkastoo shirarka ka socda xarunta ADC iyo Hotel Baniin ay kala aragti duwan yihiin haddana ilaa iyo hadda ma jirto dhibaatooyin gacan ka hadal oo halkaasi ka jira, hase ahaatee waxaa laga cabsi qabaa in shirarkaasi lagaga dhawaaqo labo maamul goboleed oo is diidan, kuwaasoo leh labo madaxweyne iyo labo gole oo midkastaa taageero ka helaayo dhinacyo siyaasada Koonfur Galbeed isku haaya.
malaaqDeeroow
Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here