Iyada oo dhowaan Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Odayaasha Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ka hadlay shirka Baydhabo islamarkaasna uu sheegay in gobolka Shabeelada hoose ay degaan waxa uu ugu yeeray Digil iyo Daame oo uu ku micneeyay Digil iyo Hawiye islamarkaasna uu kala gooyay magacii Digil iyo Mirifle oo ah dadka walaalaha ah ee wada dega gobolkaas iyo gobolada kale ayaa waxaa u jawaabay malaaq Cali Shiino, afhayeenka golaha odayaasha dhaqanka beelaha Digil iyo Mirifle.
Dhageyso Malaaq Cali Shiino a oo Axmed Diiriye “Cadaado iyo Shabeelaha Hoose haddii aad kala garan wayso waa lagu garadsiinaa” [audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2013/10/malaaqShiinoJawaab.mp3]
Anigu horta ninkaas isaga ah in loo jawaabo maba qabo, waayo ilamaba ahan nin caqligiisu dhanyahay, Axmed Diiriye anigu waan aqaanaa, si fiican ayaan isku naqaanaa, Axmed Diiriye waxana u sheegayaa meesha uu ka yimid waa Cadaado ee Shabeelada hoose ma ahan hadaad aqoon weysidna waa lagu fahansiinaa” sidaas ayuu yiri malaaq Cali Shiino oo dhanka kale sheegay innaan Axmed Diiriye aan waxba laga weydiinayn arinta Baydhabo iyo gobolka Shabeelada hoose.
” Axmed Diiriye dadka walaalihiis ah ee dhimirka qaba ha u caqli celiyaan laf cad ayaa ay toobin u saarantahaye” sidaas ayuu mar kale yiri malaaq Cali Shiino.
Mar aan wax ka weydiinay hadal ku aadanaa inuu dagaal dhici karo oo uu Axmed Diiriye sheegay ayaa uu malaaq Cali SHiine ku jawaabay,
” Axmed Diiriye waxaad haysid cidna ha ugu turin, hadaad leedahay dagaal baan ku qaadayaa goboladaas saacadaan soo dhaqaaq waa lagu sugayaa Axmed Diiriyow”
Hadalka malaaq Cali Shiino ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili uu Axmed Diiriye sheegay in shirka Baydhabo uu dhib keeni karo. Axmed Diiriye ayaa waxa uu caan ku yahay in meeshii ay ummadi iskugu timaadaba uu ka hadlo oo uu wax ka sheego ayada oo la wada ogyahay in degmada uu kasoo jeedo ee Cadaado ay beeshiisu maamul u sameysatay cid Soomaali ah oo ka hadashay ama ka xumaatayna aanay jirin.
Idale News Online