Dhageyso: Madoobe Nuunoow Maxamed “Ciidanka Qaranka ayaa nasoo weeraray”

0
200

Madoobe Nuunoow Maxamed oo ah Hogaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Lixda Gobol ayaa wareysi uu siiyey duhurnimadii Idaacada BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga waxa uu Eedeyn kulul ujeediyey Dawlada Federaalka Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso

Waxa uu sheegay in lagu soo weeraray Xarunta ADC-da Baydhabo,ciidankiisiina hubka laga dhigay iyagana la handaday isagoo taasi ku eedeeyey inay ka dambeyso dawlada Soomaaliya.

Madoobe Nuunoow ayaa waxa uu sheegay in Banaanbax Nabadeed iyagoo dhigayey shacabkii taageersanaa la rasaaseeyey kuwaasi oo waxyeelo shacab oo kudhaw Labaatameeyana la dhaawacay sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ciidanka Dawlada ay jir dil ku sameeyeen shacabkii banaanbaxa Nabadeed dhigayey waxaana uu sheegay in qaar kale oo dibadbaxa ka qeyb qaadanayey la xiray,farteysi ama bililiqo ay ciidanka ugeysteen iyaga ayuuna sidoo kale sheegay Nuunoow.

NUUNOW

Idale News Online, Baydhabo