Muqdisho(INO)-Wararka ay heleyso warbaahinta Idale News Online ayaa waxa ay sheegayaan in maalinta berito ah lagu wado in Madaxweyne xasan sheekh uu gaaro degmada dhuusa mareeb ee Gobolka Galgaduud.
Qaban qaabo xoogan ayaa ka socota Magaalada dhuusa mareeb, safarka madaxweynaha uu halkaa ku tagayo faah faahin dheeraad ah lagama hayo.
Balse warar ay heleyso warbaahinta Idale News Online ayaa waxa ay tilmaamayaan in Madaxweyne Xasan sheekh uu shacabka reer dhuusa mareeb kala hadlayo taageerida maamulka loo dhisayo gobolada dhexe ee dalka somaaliya.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Muqdisho.