Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa warfidiyeenada gudaha dalka ugu waramey safarkiisa iyo baaqii ay u soo jeediyeen xildhibaanada Soomaaliyeed ee ahaa inuu iska casilo xilka uu haayo. Madaxwyne Xasan ayaa baaqii xidlhibaanada ku tilmaamey aragti siyaasadeed oo aan macno weyn ku fadhiyin, hase ahaatee sheegay inuu diyaar u yahay la kulanka cid kastaa oo Soomaaliyeed hadduu u noqon lahaa xildhibaan ama siyaasi kale oo haaya wax dan u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Madaxewynaha oo hadalkiisa u muuqday inuu diyaar u yahay dagaal siyaasadeed oo uu ka galo inuu iscasilo ayaa waxaa sidoo kale laga dheehan karay inuu haba yaraatee u dhaga nugleyn soo jeedinta xildhibaanadii saxiixay baaqii ahaa inuu xilka isaga tago.
Talaabada labaad ee ay xildhibaanadu qaadayaan ayaa u muuqata inay mooshin geeyaan barlamaanka gudahiisa, taasoo u eg in dhaqaale fara badan oo aan dalka xamili karin la isu adeegsado si dhinacyadu iska soo horjeeda mid looga taqaluso. Waxaase la hubaa in adeegsiga dhaqaalaha dalka uu xaalada amni iyo dhaqaale oo horey u jirtay uga sii daro, taasoo ay u sii dheer tahay in kaalmada beesha caalamka iyo mida siyaasadeedna ay wiiqanto.
[audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2014/05/jawaabtaXasan.mp3|autostart=yes]Idale News Online.