Hargeysa(INO)-–Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Madaxweynaha Somaliland oo jeedinaayay khudbadiisii sanadlaha ahayd, ayaa wuxuu ku soo hadalqaaday fara-gelin uu sheegay in Madaxda Dowladda Somaliya, ay ku hayaan Somaliland.
Madaxweynaha, ayaa yiri “Jamhuuriyadda Somaliland ma mateli karaan shakhsiyaad daneystayaal ah oo Muqdisho laga cugtay. Waa maag iyo meel ka dhac qaawan in magaca Qarankayaga lagu cimaamado cid aan shacabweynaha Somaliland dooran.”
“Waxaanu la soconaa in Madaxda Dowladda Somaliya ay gacanta kula jiraan arrimo ka dhan ah nabadda iyo wadajirka Qarankan. Waxaanu ognahay inay soo abaabuleen kooxo ay ugu talla-galeen inay qalqal-geliyaan nabadda iyo deganaanshaha Somaliland, isla-markaana ay carqaladeeyaan diiwaan-gelinta iyo doorashooyinka. Hadaba xaafadi waxay xaafad kale ugu wareegtaa waa xasarad.”
“Sidaasi darteed waxaanu ugu baaqaynaa dalka Somaliya inay xil iska saaraan xal u helidda dhibaatooyinka hareeyay dhulkooda. Waxaan leeyahay u dulqaadan mayno fara-gelinta aad ku haysaan ciidayada iyo calankayaga.”
“Cidina kuma xadgudbi karto xaqa aaya ka tashiga dadkayaga iyo xormada madaxa bannaan ee dalkayaga. Xuquuqda aas-aasiga xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland waa lama taabtaan, diyaarna waxaan u nahay inaanu dhiig u daadino dalkayaga hooyo.”
Siilaanyo, ayaa sheegay inay dardar-gelinayaan wada hadalada Somaliya & Somaliland, si xal loogu gaaro wada hadaladaasi, isla-markaana uu ku baaqaayo in gogosha wada hadalada la ballaariyo.
“Waxaan dardargelinaynaa ambaqaadkii iyo wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, si looga gaaro wada hadaladaa labada dal u dhaxeeya, waxaana ku baaqaynaa in gogosha la ballaariyo, dalal la’isla gartana ay goobjoog ka noqdaan.” Ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Somaliland.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Hargeysa