Dhageyso: Madaxweyne Shariif oo dalab u diray AMISOM

0
201

Muqdisho(INO)- Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka dalbaday ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidanka AMISOM  in ay ka shaqeyaan sidii amni buuxa looga dhalin lahaa wadada isku xirta Muqdisho iyo sidoo kale Baydhabo.

Waxaa uu sheegay in Muqdisho iyo sidoo kale Baydhabo ay isku jiraan 240 KM , islamarkaana ammaanka wadadaasi uusan  hagaagsaneyn.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale  sheegay in loo baahan yahay in la qaado howlgal deg deg. Waxaa uu sidoo kale uu sheegay in Koonfur Galbeed ay ka shaqeyn doonto sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka wadadaasi.