Dhageyso: Madaxweyne hariif xasan sheikh aadan oo amaan kala dul dhacay madaxda DF Soomaaliya

0
210

Baydhabo(INO)-Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Saddexda Gobol Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa waxa uu maanta ku laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, ka dib booqasho muddo lix cisho qaadatay, oo uu ku joogay Magaalada Muqdisho.

shariif xsan

Madaxweynaha oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo, ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho uu kula soo kulmay Madaxda Dowladda Somaliya, isla-markaana uu kala hadlay ammaanka Gobolada Shabeellaha Hoose, Baay & Bakool iyo arrimaha horumarka & sidii loo taageeri lahaa Maamulkiisa.

Halkan Ka Dhageyso

Madaxweynaha, ayaa waxa uu Madaxda Dowladda ku ammaanay inay taageersan yihiin Maamulkiisa, isla-markaana ay balanqaadeen in ay kala shaqayn doonaan arrimaha ammaanka iyo sidii Maamulkiisu uu ku taabo geli lahaa.

Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa waxa kaloo uu sheegay in Magaalada Muqdisho uu kula soo kulmay dhinacyo kale oo taageersan Maamulkiisa, kuwaa oo igu hambalyeeyay buu yiri inaan noqdo Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Dhawaan waxaa lagu wadaa in Shariif Xasan lagu caleemo saaro Magaalada Baydhabo, ka dib markii 17-kii bishii November loo doortay in uu noqdo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Saddexda Gobol.

Shacabka Magaalada Baydhabo, ayaa ku kala qaybsan doorashadii uu ku soo baxay Shariif Xasan, xilli Baydhabo goor hore looga dhawaaqay Maamulka Koonfur Galbeed ee Lixda Gobol, ee uu hogaamiyo Madoobe Nuunow Maxamed.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here