Ceelberde(INO)- Madaxwaynaha Maamulka la baxay Bakool Sare ee dhawana laga dhisay Tuulooyinka Yeed, Aato, iyo Degmada Ceelbarde ayaa shaaca ka qaaday in amrna aysan wada hadal la galayn Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana uu sheegay in ay yihiin labo Maamul oo xaduud leh.
Madaxwayne Axmed Maxamed Mashruuc ayaa xusay in wada hadal labo maamul oo kawada hadlaya xiriirka iyo daris wanaaga uu la gali karo Koonfur galbeed, balse uusan marna ula hadlayn inay dib ula midoobaan.
”Maamulka Koonfur Galbeed xiligii aan la hadli lahayan wa adiideen inay naqaabilaan danteenaana ka tashanay haatan, waxaana nahay Maamul Madax banaan oo leh calan iyo Dastuur” Ayuu yiri Madaxwayne Axmed Mashruuc.
Ugu dambeyntii, Madaxwaynaha maamulka Bakool Sare waxaa uu beesha ka saaray in odayaal kasoo jeeda Maamulkiisa ay la kulmen Madaxwaynaha Dowlada Koonfur galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Ceelberde