Dhageyso: Madaxweynaha Galmud Cabdi Qeybdiid oo qorshe kale u tagay Cadaado

0
210

Cadaado(iNO)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in magaaladaasi uu maanta tagay degmadaasi oo xarun u ah maamulka Ximan iyo Xeeb.

qaydiid

Madaxwweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, ayaa wafdigiisa waxay ka tageen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxayna safar dhanka dhulka ah ku tageen magaalada Cadaado.

Waxaa wafdigaasi magaalada Cadaado kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan maamulka Ximan iyo Xeeb, waxaana la sheegay inay kulan ku yeesheen xarunta maamulkaasi.

Wasiirka arimaha gudaha Ximan iyo Xeeb Maxamed Xaaji Xuseen oo la hadlay warfidiyeenka ayaa sheegay in Cabdi Xasan uu doonayo inuu magaalada kaga dhawaaqo musharaxnimadiisa.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Cadaado.