Baraawe(INO)-Madaxweynaha Dowladda Koofur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xassan Sheekh Aadan iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Maanta Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabellah hoose.
Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay, Baraawe kulan la qaadan doono Odayaasha Deegaanka, isaga oo sidoo kale kormeer ku sameyn doona Garoon Diyaaradeed oo laga hirgalinayo Magaaladaasi.
Waraxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Koofur galbeed shalay galab ayaa lagu sheegay in booqashada Madaxweyne Shariif Xassan Sheekh Aadan ay gogal xaar u tahay sidii Maamulka oo hadda fadhigiisa uu yahay Magaalada Baydhabo uu ugu guuri lahaa Magaalada Baraawe.
Waa markii labaad ee Madaxweynaha Dowladda Koonfur galbeed uu booqdo Baraawe, booqashadiisa hore waxa uu sheegay in dib loo hirgalinayo Xarumaha Maamulka iyo Garoonka Dulimaadka Diyaaradaha.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Baraawe, KGS