Dhageyso :Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle Oo Ka Hadlay Dhibaatada Ay Dowladda Kenya Ku Heyso Soomaalida Ku Dhaqan Wadankeeda.

0
196

Madaxweynaha Dalka Jabuuti mudane Ismaciil Cumar Geelle ayaa isagoo  ku sugan Dalka Mareykanka waxa uu ka hadlay Dhibaatada ay dowladda Kenya ku heyso Somalida ku nool wadankeeda kuwaas oo loola dhaqmo si bani’aadannimada ka baxsan.

Madaxweyne Ismaaciil cumar Geelle ayaa waxana uu sheegay Geelle in Kenya ay Xaq ku  tahay in dalkeeda amaankiisa ay sugto dadka dhibka ku hayana ay iska qabato balse aysan habooneen in magaca Soomaali ay la dagaalamaan oo qofki Soomaali ah ay dhib u geystaan.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay dadka Mucaaradka ku ah Xukuumadiisa ee ku sugan Gudaha iyo Dibada isagoo kutilmaamay in Mucaaradka aan la caburineen Laakiin loo baahan yahay in mar waliba ay ku hadlaan wax dadka iyo dalka Jabuuti u wanaagsan sida uu yiri madaxweyne Geelle.

Si kastaba ha ahaatee waxaa mudooyinkii danbe iyana sii kordhaya qaraxyada kadhacaya dalka Kenya kaas uu sabab u noqonaya in Soomaalida halkaasi u dhaqan aanay u naxasiiran oo ay bartilmaameedsadaan ciidmada amaanka Kenya.

Halkan Hoose ka dhageyso hadalka madaxweyne Geelle.

[audio:http://arlaadii.net/wp-content/uploads/Arlaadii.net-011.m4a?_=1|autostart=yes]

gelevsBarackIdale News Online.