Dhageyso: Madaxa Sirdoonka Dalka Ruwanda Oo Lagu Xeray Magaalada London, Sababtu Maxay Tahay?

0
205

London(INO)-Madaxa sirdoonka dalka Ruwanda Karenzi Karake,oo Spain ay u haysatay dambiyo dagaal ayaa lagu xiray magaalada London, sida BBC-da ay qortay.

rwadanda

Waxaa la fahansanyahay in booliiska wax masaafuriya ay generaal Karake ka qabteen garoonka diyaaradaha ee Heathrow sabtidii.

Saldhiga booliiska looga arrimiyo ayaa sheegay in 54 jirkaas Rwandiiska ah maxkamad la geeyay xabsigana lagu sii hayn doono ilaa iyo shan iyo labaatanka bishan lixaad.

Karake, waxa uu ka mid yahay afartan sarkaal oo 2008-dii ay maxkamad ku taala Spain ku eedaysay tacadiyo, dambiyadaasi waxaa ka mid ah in xasuuqii kadib uu amray dil wadareed isaga oo markaas ahaa ku simaha madaxa sirdoonka ee millitariga.

Gen Karake waa madaxa laanta sirdoonka qaranka ee Rwanda, xiritaankiisa waxaa loo cuskaday waraaq ay Yurub ku dalbatay in ninkaasi la qabto.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, London, UK

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here