Markab dhowaan dowlada Federaalka ee Soomaaliya ay u dirtay dowlad goboleedka Puntland isla markaasna sitey mucaawino hay’ada Bisha Cas ee Turkiga ka timid, kaasoo maamulka Puntland sheegeen inaan lagu soo wargelin dibna ay ugu celiyeen magaalada Muqdisho, ayaa la sheegayaa in maanta ka soo dhaqaaqey magaalada Muqdisho isagoo ku wajahan Magaalada dekada ee Kismaayo, waxaana uu wadaa macaawinadii hay’ada bisha cas Turkiga ay ugu talo galeen Puntland oo loo soo weeciyey deegaanada Jubooyinka.
Masuul sare oo u hadley maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe oo lagu magacaabo Qaldaan ayaa si kulul ogo hor yimid sheegayna in ay maamulkooda talaabo ka qaadi doonaan marka uu markabkaasi yimaado dekada magaalada Ksimaayo balso sheegey uu sheegey in uu wada ku soo jiro.
Dhageyso Qaldaan oo ka hadlaaya arrinta Markabka macaawinada u wada Kismayo : [audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2013/08/markabKismayo.mp3]
Idale News Online