Waxaa maanta ka dhacday magaalada Baydhaba ee caasimada Koonfur Galbeed munaasabad lagu xusayay maalinta duumada aduunka oo maanta oo kale ku aadan sanad kasta.
Munaasabada oo ay kasoo qayb galeen dadweyne fara badan, dhakhaatiir, qaar kamid ah golaha guurtida Koonfur galbeed iyo wasiiro ka socday dowlad goboleedka Koonfur galbeed ayaa waxaa ka hadlay wasiirka beeraha iyo wasiirada arimaha qoyska iyo dhalinyarada Koonfur galbeed kuwaasoo dadka ku baraarujiyay halista duumada iyo sidii looga hortaga lahaa ayada oo ay wada shaqaynayaan dadka maaalada Baydhaba iyo wasaarada caafimaadka Koonfur galbeed.
Wasiirada oo matelayay wasiirka caafimaadka oo howlo shaqo ku maqnaa ayaa sidoo kale balan qaaday inay la shaqaynayaan dadyowga magaalada Baydhaba iyo guud ahaan Koonfur galbeed sidii layskaga ilaalin lahaa duumada oo ah cudur halis ah.
Sanadkii 2009kii 781000 todoba boqol sideetan iyo kow kun oo qofood una badan haween iyo carruur ayaa qaarada Afrika ugu geeriyootay cudurka duumada ama malariyada halka 3.3 bilyan oo qofood ay guud ahaan caalamka halis ugu jiraan cudurka duumada.
Maalinta duumada aduunka oo la xuso sanadkasta 25 bisha April ayaa markii ugu horeysay waxaa la dhaqangeliyay bishii May ee sanadkii 2007dii ayada oo ay isku raaceen golaha guud ee Qaramada midoobay oo fadhigiisii lixdanaad yeeshay.
Hoos ka dhegayso wasiirka beeraha Koonfur galbeed Proff. Cabdulqaadir Nuur Abuu.
[audio:http://www.ishabaydhaba.com/?attachment_id=57010|autostart=yes]