London (INO): Kulan wada tashi ah oo looga hadlayay Danaha & Mustaqbalka Beesha Hubeer ayaa waxaa lagu qabtay Magaalada LONDON ee dalka Ingiriiska, Kulanka oo ay soo qaban qaabiyeey Hogaanka Jaaliyada London ayaa waxaa ka soo qayb galay Dhamaan wax garadka Culumaaudiinka, Aqoonyahanada, Dhalinyarada, Haweenka Beesha Hubeer oo ka kala yimid qaaradaha yurub, amerika, asia iyo weliba austerlia. Kulankan oo diirada lagu saarey arimaha bani’aadanimada iyo siyaasada Somalia guud ahaan iyo gaar ahaan mida beesha hubeer ay ka quseyso.
Kullanka oo inta badan looga arinsanayay danaha Beesha Hubeer gaar ahaan siyaasadaha M/Maamul Gobeelyada dalka ka jira & Dowlada Dhexe, Wax garadka beesha ayaa si aad ah ugu nuuxnuuxsada in texgallin & awoodii ay ku lahaayeen laga siin M/mullada konfurta Somalia sida JUBALAND. Beesha hubeer waxey ka midtahay beelaha ugu deegaanka balaaran Jubbaland. Waxey beeshu ka degtaa 3-da gobo loo ka koobanyahay jubbaland sida gedo, jubbada dhexe iyo jubada sare. 3-dexdaan gobol aan kor ku soo xusey oo beeshu ka tahay beelaha ugu balaaran oo dega ayaa hadana laga siinin xubnihii ay ka mudnaayeen. Waxaan mar walba beeshu soo dhaweyneysaa in si cadaalada loo gaaro ay noqoto meel si xor ah loogu tartamo madaxda Maamul goboleedka jubbaland iyo dhamaan maamulada kale si qof walba xaqiisa ugaga helo ama ay u doortaan qofka ugu haboon oo mustaqbalkooda meel wanaasan ku hagi karo. Meeshana ay ka baxdo sed bursiga iyo is faramaroojinta hada ka socoto dalka oo idil.
Waxgaradka beesha ayaa sheegay in ay dagaan dhul aad u ballaaran kaasoo ka mid ah Maamulka JUBALAND sida Gedo Baardheere SAAKOOW,BU’AALLE,KISMAAYO,AFMADOW,JILIB,JAMAAME,SHAMO,illaa LIBOOYO. Balse aysan hellin xaqii ay mudnaayeen.
Waxgaradka beesha ayaa M/Mulka Axmed Madoobe hogaanka u hayo ka dalbaday in uu Beesha Hubeer ee uu xaqeedda duudsiyay si deg deg ah xubno muhiim ah ugu magacaabo, maadaama ay beesha mudan tahay. Waxeyna Axmed madoobe uu marqaati ka yahay in beesha ay kagala soo qeybqaadatey xureynta deegaanada Jubbaland markii la xureeyeyna uu meel banana ah ugaga tagey iyadoo la isla soo cara jiiftey sidii looga xureynlahaa deegaanada xoogagii heystey. Waxaan ugu baaqeynaa ururdaga gobolka kan afrika, yurub iyo qaramada modoobey in beesha hubeer aysan ka helin xubnihii ay ku lahaayeen iyadoo beeshuna ka mid tahay beelaha ugu fac iyo deegaan weyn jubooyinka. Beeshuna si nabad ah ay ku dooneyso iney xaqeeda kaga hesho maamulada dalka sida jubbaland iyo konfurgalbeed.
Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay halka ay siyaasad ahaamn ka joogto dowlada dhexe Beesha kaasoo aysan ka helin saami qeybisgii ay ku laheeyd ayna ka rabaan saami qeybsiga dowlada dhexe. waxaana loogu baaqay xildhibaanada beesha in ay wax ka badalaan siyaasada si beesha ay u gaarsiiyaan meel wanaagsan. Maadaama wax walba ay ku saleysantahay saamiqeybsi.
Waxaa kaloo loogaga haldey kulanka sidii deeganada ay beeshu degto loo hormarin lahaa iyo in beesha la iskugu xiro, loona sameyo isku xir guud si loo helo iska warqab guud deegaanada beeshu ku noolyihiin.
Kulanka oo noqon doona mid joogta ah oo la qabto 8-deedii biloodba mar si looga miro dhaliyo xuquuqaha beesha ka maqan iyo hormaintooda.
Idale News ONline, London