Dhageyso: kulan lagu taageeraayay Madaxweyne Shariif Xasan oo Muqdisho ka dhacay

0
219

Muqdisho(INO)-Waxgaradka, Siyaasiyiintan,Odiyaal ka soo Jeeda Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Maanta Magaalada Muqdisho Kulan ku yeeshay aya soo dhaweeyay Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan waxayna kulankooda ku so bandhigeen taariikhda iyo Waxyaabaha ay ka rajeynaya Madaxweynaha Cusub ee Maamulkaasi.

Waxgaradkan iyo Siyaasiyiinta ayaa ka codsaday Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Koonfur Galbeed in uu ka shaqeyo midnimada iyo nabadeynta Shacabka dega Gobolada Koonfur galbeed Somaaliya.

shxasan

Intii uu socday Kulanka ayaa Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan qadka telfoonka kaga qeyb galay kulankaasi waxa uuna ka codsaday marti Sharafkii ka soo qeyb gashay Kulanka in ay la shaqeeyaan Maamulkiisa.

Labo maalin ka hor ayay ahayd markii Magaalada Beydhabo lagu doortay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed waxana doorashadiisa ka dib Magaalada Muqdisho lagu qabtay kulamo loogu so horjeedo doorashadiisa iyo kuwa lagu taageerayo.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Muqdisho