Dhageyso: Khilaafkii BFS & Xukuumadda oo bilowday. Xildhibaanada Aqalka Sare mushaar malaha!

0
196

Muqdish(INO)- Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii cod ku diiday miisaaniyadda sanadkan cusub ee 2017, ka dib markii uu horgeeyay Wasiirka Maaliyadda, Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti).

Wasiirka Maaliyadda, ayaa Xildhibaanada Aqalka Hoose iyo midka Sare-ba ugu baaqay in ay ansaxiyan miisaaniyadda, oo ay soo diyaarisay Wasaaradiisa.

Xildhibaanada oo ku kala ra’yi duwanaaday miisaaniyadan, ayaa waxaa loo baahday in codka kalsoonida loo qaado, iyadoona ay badankoodu ka horyimaaden.

Xildhibaanada, ayaa Xukuumadda Muqdisho ku khasbay in saddexda bilood ee hore ku shaqayso miisaaniyaddii 2016. Wasiirka waxaa laga dhadhansan karay in uu ka carooday diidmada Xildhibaanada.

Wasiir Fargeeti, ayaa tilmaamay in sida uu sharcigu yahay, ay Xukuumadda ku shaqayn doonto miisaaniyaddii 2016, saddexda bilood ee soo socota.

Wasiir Fargeeti, ayaa Xildhibaanada u sheegay in tani ay meesha ka saareyso mushaaraadkii Xildhibaanada Aqalka Sare, haddii aanay iyagu jirin xilligii uu Baarlamaankii hore meelmarinayay miisaaniyadan.

Xildhibaanada Labada Aqal, ayaan wax dheg jalaq ah u siinin cabsi gelinta ka soo yeertay Maxamed Aadan Ibraahim, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda.

Halkan Ka Daawo Sawiro