Dhageyso: Khaalid Cumar : ” Koonfur Galbeed Waxay Ka Dhaqaaqi Weydey Shariif Xasan”

0
190

Baydhabo(INO)- Xildhibaano iyo Wasiiro kasoo jeeda  Koonfur Galbeed oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha  Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan in uu ku fashilmay hoggaaminta maamulka Koonfur Galbeed.

Waxa ay sheegeen in maamulka uusan dhaafsiin Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Wasiiru dowlaha Wasaarada arimaha dibada dowladda Soomaaliya Khaalid Cumar Cali  ayaa sheegay in Koonfur Galbeed intii uu jiray  in uusan waxba u qaban bulshada kunool gobolada Bakool, Bay iyo sidoo kale Shabeelaha Hoose.

Ugu dambeyntii, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka mid ah Musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxtinimada Soomaaliya, asagoo wali haaya xilka Madaxtinimo ee  Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso