Dhageyso: Hub loo siday Maamulka Galmudug oo la qabtay

0
173

Garowe(INO)- Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar C/laahi Faraweyne ayaa wuxuu sheegay in Deegaanada Ahlu-sunna ay ka arimiyaan lagu qabtay Hub loo waday Maamulka Galmudug, kaas oo laga soo dhiibay Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Wuxuu sheegay Hubkaasi in ay ka muuqatay calaamada Ciidanka AMISOM ee ka howlgalla Gobolka Hiiraan, sida Gudoomiyaha uu sheegay.

Cumar C/laahi Faraweyne Gudoomiyaha Gobolka Nugaal ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyay in ay ku fashilantay wax ka qabashada Deegaanadii horey looga saaray Shabaab oo intooda badan haatan ay dib u qabsadeen.

Hadalkan ayuu Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar C/laahi Faraweyne waxa uu ka sheegay xilli uu ka qeyb galayay dibad bax ka dhan ah Dowladda Federaalka iyo Galmudug oo ka dhacay Magaalada Garowe.

Halkan Ka Dhageyso