Dhageyso: Hogaamiyaha Axmed Madoobe oo Fariin U direy Ciidamada AMISOM&Dowlaha Deriska.

0
183

Hogaamiyaha Maamulka KMG ee Jubba Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa fariin udiray Dowladdaha deriska la’ah dalka Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ee dalka ku sugan. 
Fariinta ciidamada AMISOM uu udiray, ayaa waxa ay tahay in AMISOM laga doonayo inay Magaalada Kismaayo ka furtaan xafiisyo arimaha Bulshada ka shaqeeya, maadaama hada AMISOM xafiiska uga furan Magaalada Kismaayo uu yahay kaliya midka milateriga.

Halkan Ka Dhageyso Codka Axmed Madoobe.

[audio:http://risaala.net/uploads/content/audio/20667.MP3|autostart=yes]


Hogaamiyaha Maamulka Jubba, ayaa tilmaamay in baahida ay udalbanayaan arintani ay tahay in shacabka Magaalada Kismaayo ay doonayaan in laga caawiyo dhinacyada caafimaadka iyo adeegyada Bulshada, maadaama roobabkii dhawaan ka da’ay magaalada Kismaayo uu saameyn ku yeeshay Bulshada Magaaladasi ku nool.

Waxa uu dhanka kale Hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe uu fariin kale udiray Dowladaha deriska la’ah Soomaaliya oo uu ka codsaday inay caawiyaan Shacabka Magaalada Kismaayo, iyo guud ahaan Jubbooyinka.

Roobabkii dhawaan ka da’ay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubbadda hoose, ayaa saameyn ku yeeshay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaasi oo ay kusoo rogmadeen daadka roobka.

axmed-garoowe

Idale News Online, Kismaayo.