Dhageyso: Gudoomiye Ku xigeenka Gobalka Bay Shiino Nuuroow oo sheegay in Maamul 6 gobol ka kooban lagu heshiiyey in la dhiso dhowaan

0
193

Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Mudane Jawaari oo ay weheliyaan in ka badan 50 xildhibaan oo ka soo jeeda beelaha DM oo shir magaalada Baydhaba kula lahaa waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka beelahaasi ayaa ugu dambeyntii la isku afgartey in dhinacyadii shirka in ay isku afgarteen in la sameeyo maamul goboleed ka kooban 6 gobol oo kala ha, Shabeelaha Hoose, Bay, Bakool, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose.

JawaariBaydhabo2

Shiino Macalin Nuurow oo ah gudoomiye ku xigeenka gobolka oo BBC u waramayey ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu dhawaaqi doono maamulka, iyadoo sidoo kalena sheegay in waxba kama jiraan ay tahay heshiiskii Addis Ababa ay ku gaareen dowlada Federaalka Somalia iyo Maamulka Jubaland ee Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”

Mar Shiino la weydiiyey in arrintaasi gudoomiyaha Barlamaanka Somalia mudane Jawaari uu la qabo ayuu sheegay in ay haboontahay in jawaabtaasi afkiisa laga maqlo oo isaga la weydiiyo.

Dhageyso Shiino Macalin Nuurow, Gudoomiye ku xigeenka gobolka Bay oo heshiiska hordhaca ah ka hadlaaya:

[audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2013/09/shiinoNuurowBBC.mp3]

Waxaa la filaayaa in maanta galinka dambe lagu dhawaaqo in heshiiska rasmiga ah ee ay wada gaareen xubnaha ka socda dowlada ee isugu jira xildhibaanada iyo siyaasiyiinta oo uu hogaaminaayo Jawari iyo duqowda dhaqanka beelaha DM iyo waxgaradkooda.

Idale News Online, Baydhabo